Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Magacaabay Lataliye Sare

 

Cadceeda (Axad), 8 Janaayo, 2023

 

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay inuu noqdo Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La-dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allah uga baryey Lataliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La-dagaalanka Fikradaha Xagjirka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, in uu u fududeeyo Masuuliyadda Culus ee uu u igmaday.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo noqday Wasiirkii Amniga ee Dowladdii Xilgaarsiinta ee Wasiir Koowaadkii Hore, Mudane Maxamed Xuseyn Rooble.

 

Isha Warkan: Radio Risaala