Madaxweyne Xasan Shiikh Wuxuu Maanta Daahfuray Shirka Hanaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga Ah

Hobala (Isniin), 16 Oktoobar, 2023

 

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehlinayo Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta si wadajir ah u furay Shirka Khibrad iyo Aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka, ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay Hanaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo Arrimaha Aas-aasiga u ah Dowlad Dhiska Dalka.

Wuxuu si gaar ah u dul istaagay Madaxweynaha Ka-hadalka Arrimaha Mudnaanta leh, isagoona Hay’adaha kala duwan ee Dowladda faray iney Xoogga Saaraan Ciribtirka Kooxda Shabaab, Dhameystirka Dastuurka, Deyn Cafinta iyo Sidii Dalka looga qaadi lahaa Cuna- qabateynta Hubka ee saaran Mudada dheer.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray Xubnaha Golaha Wasiiradda Dowladda Soomaaliya iney iska fogeeyaan wax walba oo keeni kara kala Fikir Duwanaasho iyo Khilaaf.

“Nin walbow Wasaarada aad Wasiir ka tahay, ka dhowr khilaaf oo joojiya Warqadaha iska soo horjeeda aad qoreysan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweynaha in Kobcinta Aragtiyaha Toolmoon ee Dowlad Dhiska iyo Tayeynta Fahamka lagu hoggaaminayo Dowladnimada Casriga ah ay Jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno Arrimaheenna Siyaasadeed, si Jiilasha soo socdo loogu horseedo Dhabbo Cusub oo Waxtar u leh Mustaqbalkooda.

Gabagabadii Shirkaan Aqoon Is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa socon doona Muddo Labo Maalmood ah, waxaana ka qeyb galaya Dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirrada, Khubaro Caalami ah iyo Madax Aqoon Durugsan u leh Horumarinta iyo Casriyeynta Dowladaha. Xigasho: Hiran Online

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).