21-DII OKTOOBAR 1969KII – WAA MAALINTII AY BILAABATAY IN LA DUUGO DEMOQARAADIYADDII KA JIRTAY JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

 

 

 

Diimiley (Sabti), 21 Oktoober, 2023

 

1dii Luuliyo 1960kii waxaa israacay Waqooyiga Iyo Koofurta Soomaaliya; waxeyna Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad.

Xeerka Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa uu markaasi qorayey in Soomaaliya ay yeelato 123 Mudane oo ka tirsanaanayo Baarlamaanka Soomaaliya mudo shan sano ah. 123da Mudane waxaa si xor ah usoo dooranayo Dadweynaha Soomaaliya; waxeyna sii dooranayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo mudo lix sano ah madaxweyne ahaanayo. Madaxweynaha la doortay waxaa uu magacaabayay Wasiir Koowaadka owladda Soomaaliya oo isna soo dhisayo Golaha Wasiiradda; isagoo tixgelinayo Xisbiga Baarlamaanka Soomaaliya ugu badan.

Waxaa kaloo Xeerka Jamhuuriyadda Soomaaliya u Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu awood u siinayay inuu soo magacaabo Shanta Garsoore ee Maxkamadda Sare.

Halgame Aaden Cabdulle Cismaan oo xubin waxtar leh ka ahaa Xisbiga Leego (Somali Youth League) isla markaana ahaa Guddoomiyaha Kumeel Gaarka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynihii Uhoreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa uu magacaabay Halgame Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna xubin waxtar leh ka ahaa Xisbiga Leego (SYL), wuxuuna noqday Wasiir Koowaadkii Uhoreeyay ee Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib markii uu Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan uu magacaabay.

Wuxuu soo dhisay Gole Wasiiro oo ka koobnaa Xisbiga Leego (SYL, Koofur), Xisbiga SNL (Somali National League Waqooyi) iyo Xisbiga USP (United Somali Party, Waqooyi).

1964tii waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya; waxaana codadka ugu badan helay Xisbiga Leego (SYL). Waxaa markaasi Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan uu Ra’isulwasaaraha Cusub u magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

1967dii waxaa dhacday Doorashadii Jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ku tartamayeen Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan iyo Wasiir Koowaadkiisii Hore Cabdirashiid Cali Sharma’arke; waxaana wareegii seddexaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya loogu doortay Halgame Cabdirashiid Cali Sharma’arke; waxaana dhacday Dowladdii uu Wasiir Koowaadka ka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa uu Wasiir Koowaad u magacaabay Haalgame Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo soo dhisay Gole Wasiiro oo hawl waday ilaa iyo doorashadii Maarso 1969kii. Mar kale waxaa uu Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu Wasiir Koowaad u magacaabay Maxamed Ibraahim Cigaal oo sii balaariyay Golihii Wasiiradda.

15tii Oktoober 1969kii waxaa Degmada Laas Caanood lagu toogtay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku kala bixinaye dalka. Waxaa Madaxweyne Sharma’arke toogatay askari boolis ah oo magaciisa lagu sheegay Saciid Dhaashane Ismaaciil isla markaana katirsanaa ilaalada madaxweynaha.

Waxaa xigtay in Madaxweynaha Kumeel Gaarka Soomaaliya uu noqdo Shiikh Muqtaar oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya, sida Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu qorayay.

Wasiir Koowaad Maxamed Ibrihim Cigaal oo booqasho hawleed ku marayey Dalka Mareykanka, waxaa uu si deg-deg ah ugu soo laabtay Soomaaliya; waxaana Madaxweyne Sharma’arke la duugay 20kii Oktoober 1969kii.

Golaha Dhexe ee Xisbiga Talada Hayey ee Leego (SYL ) iyo Koox Mudaneyaal ah ayaa la sheegay iney raadinayeen qofkii Madaxweynaha Soomaaliya noqon lahaa, inkastoo uu qilaaf aan sidaas aheyn uu ka dhex taagnaa.

Aadan Cabdulle Cismaan iyo Caabdirisaaq Xaaji Xuseyn waxaa ay wateen Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo xubin firfircoon ka ahaa Xisbigii Leego (SYL) halka Wasiir Koowaad Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu watay Halgame Xaaji Muuse Boqor oo xubin firfircoon ka ahaa Xisbigii Leego (SYL).

Habeenimadii ay soo galeysay 21dii Oktoober, sanadkii 1969kii waxaa Dowladdii Soomaaliya afgembiyay (Coup d’ e’tat ) saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya isla markaana uu hogaaminayay Taliyehii Xoooga Dalka Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

24tii Oktoober 1969kii waxaa Raadiyo Muqdisho ka hadlay Taliyihii Xooga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Maxamed Siyaad Barre oo noqday Sareeye Gaas.

1dii Nofeembar 1969kii waxaa la dhisay Waxa, Loogu Magac-daray Golihii Sare Kacaanka oo ka koobnaa 25 sarkaal.

Magacyada Saraakiisha, waa kuwa soo socdo, iyada oo darajooyinka ay haaysteen lagu saleeyay wixii ka horeeyay 21dii Oktoobar, 1969kii :

1. Sareeye Guute Maxamed Siyaad Barre(Xooga Dalka)
2. Sareeye Guute Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)
3. Sareeye Guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed (XD)
4. Sareeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax (Boolis)
5. Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cade (Boolis)
6. Gaashaanle Dhexe Salaad Gabeyre Kediye (XD)
7. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Samatar (XD)
8. Gaashaanle Dhexe Cabdalla Maxamed Faadhil (XD)
9. Gaashaanl Dhexe Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
10. Gaashaanle Dhexe Cali Mataan Xaashi (XD)
11. Gaashaanle Ismaaciil Cali Abokar (XD)
12. Gaashaanle Axmed Suleymaan Cabdalla (XD)
13. Gaashaanle Maxamed Shiikh Cusmaan (Boolis)
14. Gaashaanle Axmed Maxamuud Faarax (XD)
15. Gaashaanle Maxamed Cali Shire (XD)
16. Gaashaanle Maxamuud Geele Yuusuf (XD)
17. Gaashaanle Faarax Waceys Duule (XD)
18. Dhamme Maxamed Cumar Jees (XD
19. Dhamme Bashiir Yuusuf Cilmi (XD)
20. Dhamme Axmed Xasan Muuse (XD)
21. Dhamme Cismaan Maxamed Jeele (XD)
.22. Dhamme Muuse Rabiile Good (XD)
23. Dhamme Cabdirisaaq Maxamuud Abokar (XD)
24. Dhamme Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (XD)
25. Dhamme Cabdi Warsame Isaaq (XD).

Saraakiisha kor ku xusan waxey boobeen Hawlihii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Hawlihii Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiiradda. Waxaa kale ay boobeen Hawlihii Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maxkamadii Sare Ee Soomaaliya; waxeyna Dadweynaha Soomaaliya u cadeeyeen ineysan aragtidooda soo bandhigi karin.

Waxaa kale uu Golehii Loogu Magac-daray Golaha Sare Ee Kacaanka (Supreme Revolutonary Council ) uu joojiyey ama mamnuucay dhamaan sagaalkii wargeys ee Dalka Soomaaliya kasoo bixi jiray.

21dii Oktoober 1969kii waa maalintii ay bilaabatay in la duugo ama la aaso Demoqaraadiyaddii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhab ahaantii, 21da Oktoobar waa maalin murugo leh oo aan weligeed la iloobi doonin. Iyada oo sidaa ah ayey Wariyeyaasha Soomaalida qaarkood ay bilaabeen iney buun-buuniyaan Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo Kalkaaliyeyaashiisaba.

Hadaba maanta oo ay kasoo wareegatay 54 go’ood ama 54 Sano, waa inaan weligeed la iloobin Maalinta Murugada Leh Ee 21 Oktoober isla markaana waa in meelo looga soo wadajeesto Kuwa Buun-buuniyo Maalinta Murugada Leh ee 21 Oktoober.

W.Q. Dr. Abdulkadir Abukar Spinato