Mareykanka Wuxuu $5 Milyan Dul-dhigay Madaxa Abuukar Cali Aadan

 

Dabra (Arbaco), 18 Oktoober, 2023

 


Sawirka: AP

 

WASHINGTON – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Qaybta Bixinta Abaalmarinta Caddaaladda loogu raadinayo Dadka ay beegsadaan Kooxaha Xagjirka ah ayaa shaacisay inay bixinayso Abaalmarin dhan $5 Milyan oo la siinayo Qofkii bixiya Macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsada mid kamid ah Hoggaamiyayaasha Al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Al-Shabaab, Sannado badanna uu soo ahaa Madaxa Milaariga ee Al-Shabaab, iyo Madaxa Jabhadaha.

Bishii Jannaayo ee Sannadkii 2018, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku dartay Liiska Argagixisada.

Maraykanku waxaa sidoo kale uu Sannadkii Hore kordhiyey Lacagaha Abaal-marinta ah ee lagu doonayo Labada Hoggaamiye ee kale ee Al-Shabaab oo kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Karate oo Maraykanku sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 Milyan oo Dollar.

Sannadkii 2008 ayaa Maraykanku uu Al-Shabaab u aqoonsaday inuu yahay Urur Aragagixiso ah.

Isha: VOA Somali