Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Keenya (Kenya) Ayaa Soo Gaaray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya Ee Muqdisho

 

Dabra (Arbaco), 18 Oktoober, 2023

 

MUQDISHO – Wasiirka Gaanshaandhigga Dalka Keenya, Aadan Barre Ducaale iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wafdigan oo kasoo ambabaxay Magaalada Nayroobi (Nairobi), ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Hadal ay wadajir Warbaahinta u siiyeen ayey ku sheegeen in Socdaalkan uu qeyb ka yahay Gulufka ku foorara Kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa gali doona Wadatashiyo ku aaddan Iskaashiga iyo Dardargalinta Howlgalada lagu ciribtirayo Al-shabaab ee Dhibaatada Xoogan ku haya Dadka Gobolka.

Xigasho: Jowhar News