Weerar Ismiidaamin Ah Ayaa Lagu Qaaday Saldhig Ciidanka Soomaaliya Ay Ku Lahaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha

 

Diimiley (Sabti), 21 Oktoober, 2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Qarax Weyn oo ismiidaamin ahaay oo isla markaana loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, ayaa waxow ka dhacay Degaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalo Duleedka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay Saakay Aroortii ayaa waxaa lagu weeraray Saldhig Ciidanka Booliiska Milatariga, ay ku lahaayeen Gudaha Degaanka Ceelasha Biyaha, lamana oga Qasaarahii ka dhashay.

Qaraxa waxaa Masuuliyaddiisa sheegtay Argagixisada Al-Shabaab ee ka beensheegto Diinta Islaamka, iyagoone sii sheegtay inay Qaraxa ku dileen 49 Askari oo katirsanaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliya; kuna sugnaa Gudaha Saldhigga Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ha yeeshee, weli lama haayo Warar ka Madaxbanaan Sheegashada Argagixisada Al-Shabaab ee ka beensheegto Diinta Islaamka.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).