Xukun Dil Ah Ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ay Ku Riday Mid Katirsanaa Argagixisada Al-Shabaab

 

Fabeeley (Khamiis), 19-01-2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in Maanta ay Xukun Dil ah ku riday Maxamed Cabdi Jiirow oo ku Magac dheer Dr. Fanax isla markaana katirsanaa Argagixisada Al-Shabaab.

Ninkan lagu riday Xukunka Dilka ah, ayaa wuxuu Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka, isaga oo sheegto in uu yahay Taqtarka Neerfaha (Neurologist Doctor) asiise uusan aheyn isla markaana uu ka been sheegay Taqtarnimada uu sheegan jiray. Intaasi waxaa usii dheeraa inuu haaystay Darajo Ciidan oo Been Abuur ah iyo Kaararka Aqoonsiga ee Hay’daha Caalamka oo iyagane Been Abuur ahaay.

Mar Muuqaal laga duubay, ayuu wuxuu ku sheegay in uu Wajiyadaas kala duwan uu adegsan jiray, si uu u qariyo Kamid Ahaanshihiisa Argagixisada Al-Shabaab iyo Falalka uu geysto; wuxuuna Maxkamadda uu kahor qirtay in uu ku Lug lahaa Weeraro ay Dad badani ku dhinteen.

Dembiilahan waxaa kaloo uu ku lug lahaa Weerar ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Degmada Xamar Jajab ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho Taariikhda markey aheyd 10kii Febraayo, Sanadkii 2022dii, waxaana Weerarkaas uu dilay 6 Qofood oo kamid ahaa Ergooyinkii Doorashada halka 12 Qofood uu Weerarkaasi dhaawacay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).