Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Gaadhay Talisyada Ciidamada Sanaag Ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Hobala (Isniin), 16 Oktoobar, 2023

 

CEERIGAABO – Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa Kormeer Hawleed ku tagay Taliska Ciidamada Qaranka ee Gobolka Sanaag, isla markaana Xilalkii u kala wareejiyay Taliyihii Hore ee Qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Sarreeyo Guuto Muuse Jaamac Delef iyo Taliyaha Cusub ee dhawaaan Xilkaasi loo soo Magacaabay Gaashaanle Sarre Cabdilaahi Suufi.

Munaasibad ay Xilka kula kala wareegayeen Taliyaha Cusub ee Qaybta Saddexaad ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Sarre Cabdilaahi Suufi iyo Taliyihii Hore ee Qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Sarreeyo Guuto Muuse Jaamac Delef oo Shalay lagu qabtay Taliska Saddexaad ee Ciidamada Qaranka ee Gobalka Sanaag ee Magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidamada Qaranka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Saraakiil katirsan Ciidanka Qaranka iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee Gobalka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Hadal ka jeediyay Munaasibada Xilwareejinta, ayaa waxa uu kula dardaarmay Saraakiisha Cusub ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobalka Sanaag in ay sii laban laabaan Waajibaadka Ciidan ee ay Qaranka u hayaan.

Waxa kale oo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani soo kormeeray Xeryaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka ee Magaalada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu Warbixino ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee Gobalka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale Hogaanka Ciyaaraha ee Ciidamada Qaranka, Gaashaanle Sarre Fanax Cabdi ayaa waxa uu sheegay in Socdaalka Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland la xidhiidhay u kuurgalida Xaalada Ciidamada iyo Xil u kala wareejinta Taliyihii Hore ee Qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Sanaag, Sarreeyo Guuto Muuse Jaamac Delef iyo Taliyaha Cusub ee Qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka JSL, Gaashaanle Sarre Cabdilaahi Suufi. -Xigasho: Wargeyska Dawan

 

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).