Maamulka Degmada Balcad Wuxuu Beeniyay In Isbaarooyin Ay Yaallaan Duleedka Degmada Balcad

 

Dabra (Arbaco), 11-01-2023

 

BALACAD – Guddoomiyaha Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa ka hadlay guud ahaan Xaaladda Degmada Balcad.

Ugu horeyn wuxuu Guddoomiye Qaasim Cali Nuur uu beeniyay in Isbaarooyin lagu dhibaateeyo Dadka ay yaalaan Duleedka Degmada Balcad.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in hal Koontarool oo lagu qaado Canshuuraha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, uu yaallo Degmada Balcad isla markaana uu Koontaroolkaasi yahay mid sharci ah.

Mudane Qaasim Cali Nuur, waxaa kale uu sheegay in la dhaqan geliyay Go’aankii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud; kadib markii la qaaday Dhammaan Jidgooyooyinka yiil Duleedka Degmada Balcad.

Dhowaan ayey aheyd markii Askari katirsanaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya uu Degmada Balcad uu ku dilayay mid kamid ah Shufeerada ka shaqeeya Gaadiidka ukala goosho Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar; waxaase Dilka uu Askarigaasi geystay ka damebysay in lasoo qabto Dembiilaha isla markaana ay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ay Dil ku xukunto Dembiilaha.

Isha: Shabelle Media