Ciidamo Gurmad Ahaay Oo Ay Dowladda Soomaaliya U Dirtay Gobolka Gal-Gaduud

 

Dusa (Jimca), 6 Janaayo, 2023

 

MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in Xalay Ciidamo Gurmad ahaay ay u dirtay Howlgallada Dib-uxoreynta ee ka socda Gobolka Gal-Gaduud ee Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Warka wuxuu ku darayaa in Ciidamada ay ka baxeen Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeday Deegaanada kuyaala Bariga Gobolka Gal-Gaduud, si ay Gurmad ugu noqdaan Ciidamada xoreeyay qeybo kamid ah Gobolka Gal-Gaduud.

Saraakiisha hoggaaminaya Ciidamadan ayaa sheegay in Bariga Gobolka Gal-Gaduud oo ah Meelaha ay Al-shabaabku ku xooggan yihiin, in laga xorayn doono dhawaan; Ciidamada baxayna ay qeyb ka yahiin Howlgalka Dib-uxoraynta gobolka Gal-Gaduud.

Inkastoo Muddooyinkii ugu dambeeyay ay Dowladdu ay Guulo ka gaaraysay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haddana Maalmihii ugu dambeeyay hakad ayaa ku yimid, taasoo sababtay inay Alshabaab Weeraro Abaabulaan.

Saakay oo Dusa (Jimca) ahna, Al-shabaab waxay Weerar Culus ku qaadeen Tuulada Hilowle Gaab oo katirsan Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo markeedii hore katirsanaan jirtay Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha kahor tan iyo Guggii 1972dii.

Alshabaab waxay sheegeen inay la wareegeen halkaas kaddib markii ay ku qaadeen Weerar Culus.

Xigasho: Hiran Online