Wiil Soomaali Ah Baa Lagu Dilay Magaalada Shefeld (Sheffield) Ee Dalka Biritan (Britain)

 

Hobala (Isniin), 10ka Abriilo, 2023

 


The victim was found with serious gunshot wounds and pronounced dead at the scene. Photograph: Christopher Furlong/Getty Images

 

SHEFELD (WBW: The GBM) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil loo geystay Wiil Soomaali ah isla markaana loogu geystay Magaalada Shefeld (Sheffield) oo ku taalo Waqooyiga Dalka Biritan (Britain).

Wiilka la dilay ee Soomaaliga ah, ayaa waxaa Da’diisa lagu sheegay 20 jir.

Dilka Wiilka Dhalinyarada ah ee Soomaali, ayaa la sheegay iney geysteen Kooxo Hubeysan oo aanan wali la garan Heybtooda, waxaana Boliiska Magaalada Shefeld (Sheffield) oo ka hadlay Dhacdada lagu dilay Wiilkan ay sheegeen iney wadaan Baaritaano la xariira Dilka loo geystay wiilka Soomaaliga ah.

Boliiska Magaalada Shefeld (Sheffield) ayaa sidoo kale ka codsaday Dadka deggan Xafaada Gleadless oo ah halka lagu dilay Wiilka Soomaalida ah, iney Boliiska gacan ka siiyaan Baaritaanka Kiiskan, si ay gacanta usoo qabtaan Kooxaha ka dambeeyay Dilka Wiilka Soomaaliga ah.

Magaalooyin badan oo kamid ah Dalka Biritan (Britain) ayaa waxaa ka dhaca Dilal loo geysanayo Dhalinyarro Soomaali ah ee ku nool Dalka Biritan (Britain). waxaana Dilkan, Walaac ka muujiyay Dadka Soomaali ee ku nool Magaaladaasi.

Ugu dambeynti, Dilka loo geystay Wiilka Soomaaliga ah, ayaa waxaa Walaac ka muujiyay Dadka Soomaalida ah ee ku nool Magaalada Shefeld (Sheffield) ee Dalka Biritan (Britain).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).