Waxaa Isa Soo Dhiibay Xubin Katirsan Argagixisada Al-Shabaab

 

Diimiley (Sabti), 28-01-2023

 

BAYDHABO (WBW: The GBM) – Xarunta Gobolkii Jubada Sare ee Baydhabo oo hadase la yiraah Xarunta Gobolka Bay kadib markii uu Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu Gobolkii Jubada Sare uu ukala jar-jaray Bay, Bakool iyo Gedo Sanadkii 1971dii, ayaa waxaa laga soo sheegayaa in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybtiisa 60aad uu kusoo bandhigay Xubin katirsan Argagixisada Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybtiisa 60aad.

Xubinta katirsan Argagixisada Al-Shabaab ee isu soo soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybtiisa 60aad ayaa waxey Magaciisa ku-sheegeen Aadan Isxaaq Xasan oo Magaca ay Argagixisada Al-Shabaab u yaqaanaan ah: Jacfar.

Aadan Isxaaq Xasan oo ay Argagixisada Al-Shabaab u yaqaanaan Jacfar, ayaa wuxuu uu Argagixisada Al-Shabaab uu uga soo howlgalay Gobolada Baay iyo Bakool oo katirsanaa Gobolkii Jubada Sare, iyo Gobolka Jubada Dhexe oo isna katirsanaa Gobolkii Jubada Hoose kahor intii uusan Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu Gobolkii Jubada Hoose uusan ukala goyn Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Sanadkii 2018dii ay aheyd markii Sakariya Ismaaciil Xersi loo magacaabayay Taliye Ku-igeenka NISA, iyada oo Magacaabistiisa Qiil looga dhigay in uu kasoo baxsaday Argagixisada Al-Shabaab. Weydiinta waxey tahay: maxey soo kordhisay?

Maanta waxaa lasoo bandhigay in Aadan Isxaaq Xasan oo Magaca ay Argagixisada Al-Shabaab u yaqaanaan ah: Jacfar, in uu isu soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybtiisa 60aad.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).