Wada-hadalo Ay Yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Iyo Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

 

Wabley (Talaado), 11 Abriilo, 2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu Aqalka Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu Wada-hadalo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antooniyo Guteeres (António Guterres), kadib markii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antooniyo Guteeres (António Guterres) uu Maanta soo gaaray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Arrimaha ay ka wada-hadleen waxaa ugu weynaa Abaaraha ka jiro Dalka Soomaaliya iyo Dagaalka ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Maryooleyda (Macawisleyda) ay kula jiraan Argagixisada Al-Shabaab.

Ugu dambeysti, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antooniyo Guteeres (António Guterres), ayaa wuxuu Dhankiisa ka muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay Booqashada uu ku yimid Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ka mahad-celiyay Soo-dhaweyntii Diirranneed ee uu u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud; isaga iyo Ergadii uu hogaaminayay-ba.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).