Shir-gudoonka Golaha Guurtida Jamhuuuriyadda Somaliland Ayaa La Kulmay Ergadii Dhaqan Ee Ka Timid Magaalo Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Muqdisho

 

Dusa (Jimca), 28da Abriilo (April), 2023

 

HARGEYSA (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa laga soo warinyayaa in Shir-gudoonka Golaha Guurtida Jamhuuuriyadda Somaliland uu Maalintii Shalaymaantaaan aheyd (Dorraad aheyd) uu kusoo dhaweeyay Xarunta Golaha Guurtida Jamhuuuriyadda Somaliland ee Magaalada Hargeysa, Ergadii Dhaqan ee ka timid Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ujeedada Ergada Dhaqan ee katimid Magaalada Muqdisho ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, soona gaartay Magaalada Hargeysa ee Jamhuuuriyadda Somaliland, ayaa waxey aheyd sidii loo joojin lahaa Colaada Magaalada Laascaanood ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uga warbixiyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somalialnd, Saleebaan Maxamuud Aadan; isagoo si gaar ah uga warbixiyay Hanaanka ay soo martay Nabadeynta Jamhuuriyadda Somaliland, Doorkii Guurtidu ku laheyd iyo sida ay uga go’an tahay in Nabad loogu soo dabaalo Magaaladda Laascaanood ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).