(UPDATE 2) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa La Kulmay Guddigii Waalidiinta Ee Ciidankii Tababbarka Kusoo Daatay Dalka Ereteeriya

 

Dusa (Jimca), 27-01-2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu la kulmay Guddiga Waalidiinta ee Ciidankii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Tababarka kusoo qaatay Dalka Ereteeriya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu u tilmaamay Guddiga Waalidiinta in Ciidanka maqan ay Dalka Soomaaliya kusoo noqqonayaan marki ay soo dhameystaan Tababarooda, si markaasi ay u gutaan Waajibaadkooda Qaran.

Madaxweynaha wuxuu kaloo Waalidiinta u xaqiijiyay in uu fulinayo Ballanqaadkiisii ku aaddanaa, in ay dib ula midoobaan Ubadkooda, Reerkooda iyo Xigtatooda.

Ugu dambeynti, Guddiga Waalidiinta ayaa waxey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay uga mahad-celiyeen  Mudnaanta uu iyaga siiyey.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).