Hoobiyeyaal Lagu Soo Gamay Qeybo Kamid Ah Magaalada Muqdisho

 

Wabley (Talaado), 24-01-2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM)- Waxaa lagu soo waramayaa in Hoobiyeyaal dhowr ah Maanta lagu soo gamay Qeybo kamid ah Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyada oo qaar kamid ah Hoobiyeyaashane ay ku dhaceen Agagaarka Hotel SYL, Wasaaradda Wafaafinta iyo Fiyoorehii hore (Ex-fiera) oo ah Xayndaabka Madaxtooyada amhuuriyadda Soomaaliya.

Warka wuxuu ku darayaa in Hoobiye kale oo usna lagu soo gamay Dhinaca Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, ow usna ku dhacay Dugsi Hoose oo u dhow Xarunta Degmada Xamar Weyne ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho; waxaana ku dhaawacmay Labo Arday iyo Haweeni wax ku iibeysay Wadada reedeeda.

Ugu dambeysti, Weerradaan oo kale, aa waxaa lagu yaqaanaa Argagixisada Al-Shabaab, inkastoo ay weli Juuq kasoo yeerin.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).