Gargaar Ay Hey’adda Maareynta Gaarsiisay Dad Ku Barakacay Roob Da’ay

 

Diimiley (Sabti), 29 Abriilo, 2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa Sacadihii la soo dhaafay ka da’ay Roob Xoogan, wuxuuna Roobkaasi uu geystay Qasaarooyin isugu jiro Dhimasho, Burbur Guryo, iyo Burbur Gaadiid, sida lagu soo waramayo. Intaasi waxaa sii dheer, Biyo aad u badan oo Roobkaasi ka haray isla markaana fadhiistay Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Warka wuxuu ku darayaa in Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SODMA: Somali Disaster Management Agency) ay Gurmad Deg-deg ah u fidisay Dadkii ku waxyeeloobay Roobkii da’ay, iyada oo si Kumeel Gaar Ah Dadkaasi layskugu geeyay Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir (Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe).

Hay’adda SoDMA ayaa xalay gawaari nuuca xamuulka qaada ah oo sida Raashinka qeybhiisa kala duwan iyo Dhar waxa ay gaarsiisay boqolaal dad ah oo sameen Roobkaas ka so gaartay iyadoo gargarkaan ku daabushay xarunta degmada wartanabada si loo sii gaarsiiyo degmooyinka kale ee dhibatada roobkaas ka soo gaartay bulshada ku nool caasimadda uu saameeyay.

Ugu dambeynti, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SODMA: Somali Disaster Management Agency), Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehlinayaan Wasiir Koowaad Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxay Gudaha Degmada Wardhiigley ay Gargaar ugu qeybiyeen Dadkii ay Waxyeelada kasoo gaartay Roobkii da’ay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).