Danjiraha Mareykanka Ee Soomaaliya Ayaa Taageeray Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland

 

Fabeeley (Khamiis), 13da Abriilo, 2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Danjiraha Dalka Mareykanka ee Dalka Soomaaliya, Larri Andre (Larry André) ayaa lasoo warinayaa in uu Daboolka ka qaaday in Dowladda Mareykanka ay taageereyso Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii Danjire Larri Andre (Larry André) iyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ee Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, Cabdikariim Xuseyn Guuleed ay Telefoonka ku wada xiriireen.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Larri Andre (Larry André) waxaa kale uu sheegay inuu soo dhaweynayao Ergayga h ee Dowladda Soomaaliya ee Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, Cabdikariim Xuseyn Guuleed.

Idii Bishan Abriilo ee Gugan 2023da, ay aheyd markii uu Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud uu Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ee Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland uu u magacaabayay Cabdikariim Xuseyn Guuleed; waxaana ku xegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu Magacaabista Ergayga uu soo-dhaweeyo Taariikhda marki ay aheyd 3dii Abriilo ee Gugan 2023da.

Ugu dambeynti, 27da Bishii hore ee Maarso ay aheyd markii uu Madaxweynaha Mareykanka Jo Biden (Joe Biden) uu Danjiraha Cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya uu u magacaabayay Rishaard H. Riley (Richard H. Riley) isla markaana bedelayo Danjiraha hada ee Mareykanka ee Soomaaliya fadhiyo, Larri Andre (Larry André)

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).