Dagaal Saakay Ka Dhacay Soohdinta Gobolka Shabellaha Dhexe Iyo Gobolka Gal-Gaduud

 

Dusa (Jimca), 6 Janaayo, 2023

 

RUUN NIRGOOD – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Culus oo Saakay ka dhacay Deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuna dhow Soohdinta uu Gobolkaasi la wadaago Gobolka Gal-Gaduud.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Maleeshiyada Al-shabaab ay deegaankaasi ay Weerar Qaraxyo ku bilowday ay kusoo qaadeen; waana Deegaanka Hilowle Gaab oo Bishii Desember Maleeshiyda Al-shabaab laga saaray.

Qaraxyo Mataano ahaa oo Deegaankaasi gilglay ayaa waxaa xigay Al-shabaab lugeynaya oo Labo Jiho ka weeraray Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin Deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadu ay si weyn isaga caabiyeen Maleeshiyadaasi, Laba Saacadood kadibna ay ku khasbeen in ay Deegaanka ka wada baxaan.

Dadka Deegaanka ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku hareen Deegaanka, Ciidamada qaybtoodna ay ku daba joogaan Firxadka Maleeshiyadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Inta la xaqiijiyay Toban Qof oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan ayaa ku dhintay Dagaalkaasi, halka in ka badan Shan iyo Toban kalena ay ku dhaawacantay.

Waa Weerarkii 2aad ee ugu Qasaaraha Badnaa oo ay Al-shabaabku Sanadkan ka gaystaan Deegaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Afartii Bishan ayay ahayd markii Weerarkii ugu Qasaaraha Badnaa ay ka gaysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen 35 Qof, halka 50 kalena ay ku dhaawacantay.

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo uu Guluf kaga furan yahay Deegaanada Hir-Shabelle iyo Gal-Mudug ayaa isku dayaya in ay ka gaystaan Weeraro Aargudasho ah.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Deegaanka ayaa horey ula wareegay, inta badan Dhulkii ay Al-shabaabku ka maamulayeen Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo qaybo kamid ah Gobolka Gal-Gaduud.

Xigasho: Univversal TV Somali