Howlgal Lagu Dilay Xubno Katirsan Argagixisada Al-Shabaab

 

Dabra (Arbaco), 18-01-2023

 

XAWAADLEY (WBW: The GBM) – Deegaanka Xawaadley oo hada katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe asiise markiisii hore katirsaneed Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Mudisho iyo Shabeellaha Dhexe kahor intii uusana Gobolkii Banaadir uusan kala jar-jarin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, kadibna uu Madaxweynaha Iminka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu Gobolkii Banaadir uu isna kusii kala daryay Waxa Hada Loogu Magacdaray ‘Hir+Shabeelle’ iyo ‘Koofur+Galbeed’ Sanadihii 2014tii iyo 2016dii ayaa laga soo warinayaa in Howlgal Wadajir ay ka sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA, Ciidammada Deegaanka iyo Saaxiibada Caalanka.

Warka wuxuu ku darayaa in Howlgalka ay si gaar ah uga sameeyeen Beerta Shiikh Qaasim ee Tuullada Dhagaxow ee hoostagta Deegaanka Xawaadleey ee Gobolkii Banaadir (Shabeellaha Hoose, Mudisho iyo Shabeellaha Dhexe), iyadoo Howlgalka lagu dilay in ka badan 25 katirsan Argagixisada Al-Shabaab isla markaana laga soo qaatay Hub iyo Gaadiid Dagaal.

Dhawaanta ay aheyd markii ay Argagixisada Al-Shabaab ay Weerarka Qaraxyada ku bilowday ay kusoo qaadeysay Saldhigyada Ciidanka Qaranka ay ku leeyihiin Degaanka Xawaadleey isla markaana ay ku dilaysay Dad uu kamid yahay Taliyihii Guutada 3aad, Qeybta 27aad, Koloneel Abshir Shataqeey.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).