136 Katirsanaa Argagixisada Al-Shabaab Ayaa Lagu Dilay Howlgal Haddadan Kascodo Gobolka Shabeellaha Hoose

 

 

Cadceeda (Axad), 29-01-2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in 136 katirsanaa Argagixisada Al-Shabaab in lagu dilay Howlgallo haddadan ka socdo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ku-xigeenka Wasiirka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo Warfidiyeenada kula hadlay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa wuxuu u sheegay in Howlgalka uu ka dhacay Degaan lagu magacaabo Warta, kaasoo 12 Kiiloomitir ujiro Degmada Janaale oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiir Ku-igeenka Wasaarada Warfaafinta wuxuu sheegay, in kuwa Howlgalka lagu dilay ay ku jiraan Horjoogeyaasha Argagixisada Al-Shabaab sida Salmaan Dheere oo u qaabilsanaa Howlgallada Xeebaha, Macalin Sallaxey oo u qaabilsanaa Howlgallada Bariire, Janaale iyo Qoryooley, iyo Macalin Xaashi oo usigane ahaay Horoogaha Argagiisada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Wuxuu kaloo Wasiir Ku-igeenka Wasaarada Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala, uu sheegay in Argagiisada Al-Shabaab laga burburiyay Gaadiid Dagaal, Saanad Ciidan iyo Godad ay ku dhuuman jireen.

Ugu dambeynti, Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu markiisii hore katirsanaa Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Mudisho iyo Shabeellaha Dhexe kahor intii uusana Gobolkii Banaadir uusan kala jar-jarin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre Sanadkii 1972dii, kadibna uu Madaxweynaha Iminka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu Gobolkii Banaadir uu isna kusii kala daryay Waxa Hada Loogu Magacdaray ‘Hir+Shabeelle’ iyo ‘Koofur+Galbeed’ Sanadihii 2014tii iyo 2016dii.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).