Jeneraal Sulub Axmed Firin Ayaa Loo Magaacay Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Boliiska Soomaaliya

 

Fabeeley (Khamiis), 26-01-2023

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya in ay Maanta shireen, iyada uu shir-gudoominayay Wasiir Koowaad Ku-xigeenka Dowladda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.

Golaha Wasiirada ee uu shir-gudoominayay Wasiir Koowaad Ku-xigeenka Dowladda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa waxaa looga warbixiyay Howlgallada Dalka Soomaaliya ka socdo oo ah sidi Argagixisada Al-Shabaab looga saari lahaay Guud Ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa kale oo looga warbixiyay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Amni ee Jamhuuriyadda Soomaaliya; ayadoo ay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhiga ay uga warbixiyeen.

Golahii Wasiirada ee Maanta shiray waxaa kale ay isku raaceen in Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya inuu noqdo Jeneraal Sulub Axmed Firin halka markii hore uu ka ahaay Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Waxaa kale ay Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ay isku raaceen Heshiiska Aasaasidda Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika.

Ugu dambeynti, Heshiiska Aasaasidda Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay kuwada jirayaan Dalalka Burundi, Jabuuti (Djibouti), Itoobiya (Ethiopia), Keenya (Kenya), Ruwaanda (Rwanda), Siishilis (Seychelles), Soomaaliya (Somalia), Suudaan (Sudan) iyo Ugaandha (Uganda), ayaa Ujeedadiisa waxey tahay in la hirgeliyo Howlaha Ilaalinta Nabada, Amaanka iyo Xasilloonida Gobolka.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).