(UPDATE 1) Hogaamiyaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Ayaa Si Kale Uga Hadlay Walaacii Soomaalida Itoobiya

 

Hobala (Isniin), 23/01/2023

 

JIJIGA (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Hogaamiyaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) in uu Qoraal soo dhigay Barta uu ku leeyahy Facebook, isaga oo Qoraalka kaga hadlay Arrimo ay kamid yihiin Walaaca Dadweynaha ee Magaalooyinka Diri Dhaba, Jijiga iyo Tulli-guulleed oo ka wada tirsan Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Hogaamiye Mustafe Cagjar wuxuu marka hore ka hadlay Warar leysla dhexmarayay ee sheegayay in Oroomo ay waxyeeleysay Dad Soomaali ah ee deggan Magaalada Tulli-guulleed, ayada oo ah in Oroomada rabto iney boobto Dhul ku yaalo Magaalada Tulli-guulleed ee Gobolka Faafan, wuxuuna yri “Dhul Tulli-guuleed ku yaal oo ay Oromo qaadatay majiro, isku dhac mooye Xasuuq Meesha ka dhacayna majirto”.

Wuxuu kale uu Mustafe Cagjar ka hadlay Warar kale ee leysla dhexmarayay Biryahan isla markaana sheegayay in Afti laga qaadayo Soomaalida, Oroomada, iyo Amxaarada deggen Magaalada Diri Dhaba, wuxuuna yiri “Afti Diri Dhaba, Qowmiyad kale lagu siinayo majiro”.

Ugu dambeynti wuxuu Hogaamiye Mustafe Cagjar uu ka hadlay Magaalo Madaxda Soomaalida Itoobiya ee Jijiga, oo Dad Badan oo Degaanka ah ay rumeysan yihiin in Qowmiyado kale ay la wareegi doonaan Magaalada Jijiga maadaama ay Qowmiyadaha kale ay Magaalada kusii badanayaan; wuxuuna Musafe Cagjar uu Arrinkaas ku tilmaamay ‘Mid Aan Waxba Ka Jirin’.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).