Guddiga Joogtada Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Baa Ka Shiray Sharciga Hay’adda NISA

 

Hobala (Isniin), 09-01-2023

 

MUQDISHO – Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo waramayaa in uu Shir guddoomiyay Kulanki 12aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Shalay qabsoomay.

Shirka ee uu gudoomiyay Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa waxaa looga hadlay Hindise Sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan Gelinta Dadweynaha oo loo yaqaan (National Identity Card).

Waxaa laga dooday Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan Gelinta Dadweynaha ee loo yaqaan (National Identity Card), kadib markii ay Dowladda Soomaaliya ay soo gudbisay. Waxaa leysla gartay in la horgeeyo Golaha.

Waxaa kale ay Guddiga, ay si qota-dheer uga doodeen Hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo Ilaalinta Kooramka Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Isha Warka: Radio Risaala

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).