Faahfaahino Kusaabsan Dableydii Hubaysnaa Ee Xalay Weeraray Goob Ganacsi Oo Kutaallo Magaalada Boosaso

 

Fabeeley (Khamiis), 6da Abriilo, 2023

 

BOOSAASO (WBW: The GBM) – Dabley ku hubaysnaa Qoryaha Fudud iyo Bambaanooyin ayaa lasoo warinyaa in Xalay ay weerareen Goob Ganacsi oo kutaalo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kooxdi Dableyda aheyd ayaa waxey Toogasho ku dishay Ilaaliyihii Shirkad Ganacsi oo lagu magacaabi jiray Al-Macruuf, kahor inta aysan Bambo Gacmeed ku weerarin Dadkii ku jiray Gudaha Goobta Ganacsi iyo Dadkii ka dukaamaysanayay. Waxaa kuxegtay in Dab Xooggan uu ka dhasho Weerarkii Bambooyinka ee lagu tuuray Goobta Ganasi, wuxuuna Weerarkaasi uu Qasaare Hantiyeed u geystay Goobtii Ganacsiga. Intaasi waxaa sii dheer, in Waxyeello kala gedisan ay soo gaarto qaar kamid ah Howlwadeenadii Goobta Ganacas iyo Dadkii ka dukaamaysanayay Goobta Ganacsi oo qaarkood ay Neefta ku cishoonto.

Lama oga Ujeedada ka dambeysa Weerarka lagu qaaday Xaruntan Ganacsi oo kamid ah Xarumaha Waawayn ee laga dukaameysto, waxaase la ogyhay in Xarunta Ganacsi ee la weeraray ay Xafiisyo badan ay ku leedahay Magaalooyin badan oo ku yaalo Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).