Dowladda Soomaaliya Ayaa Shaacisay In Argagixisada Al-Shabaab Lagu Jabiyay Weerarkii Ay Kusoo Qaaday Xarunta Gobolka Banaadir

 

Cadceeda (Axad), 22-01-2023

 

MUQDISHO (WBW The GBM) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Weerarkii Tooska ahaay oo ay Argagixisada Al-Shabaab ay Maanta kusoo qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, in lagu jabiyay Argagixisada Al-Shabaab.

Argagixisada Shabaab ayaa waxey soo qaaday Weerar ku bilowday Qarax, kadibna ku dhex dagaalantay Gudaha Xarunta Gobolka Banaadir ee Muqdisho. Hase ahaatee, waxaa lasoo bandhigay Meydadkoodi, kadib markii ay Ciidanka Qaranka ay Argagixisada ku dileen Howlgal socday Saacado badan.

Dadka ku geeriyooday Weerarka Argagixisada waa 5 Qofood oo Rayid ah halka kuwa ku dhaawacmay ay yihiin 4 Qofood. .

Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay in Argagixisada Al-Shabaab ee Weerarka soo qaaday iney ahaayeen kuwo isu ekeysiiyay Ciidanka Qaranka, kadibna yimid Xarunta Gobolka Baanaadir, iyagoo lugaynaya.

Halkan Hoose Waxaa lagala Socon Karaa Warsaxaafadeedka Kasoo Baay Dowladda Soomaaliya;

 

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).