Dagaal U Dhexeeyay Ciidamada Dib-uxoreynta Gobolka Hiiraan iyo Argagixisada Al-Shabaab Ayaa Ka Dhacay Degaanka Beerxaano Ee Gobolka Hiiraan

 

Fabeeley (Khamiis), 19-01-2023

 

BELED WEYNE (WBW: The GBM) – Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beled Weyne ayaa laga soo sheegayaa in Maanta uu Degaanka Beerxaano ee Gobolka Hiiraan uu ka dhacay Dagaal Xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Dib-uxoreynta Gobolka Hiiraan iyo Argagixisada Al-Shabaab.

Dagaalkii Maanta ee ka dhacay Deegaanka Beerxaano ee Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu ka dambeeyay markii ay Ciidanka Dib-uxoreynta Gobolka Hiiraan ay soo gaartay in Xubno katirsan Argagixisada Al-Shabaab ay kasoo gudbeen Wabiga shabeelle isla markaana ay is-aruursanayaan.

Ciidamada Dib-uxoreynta Gobolka Hiiraan ayaa ugu dambeynti Jab Xoogan gaarsiiyay Argagixisada Al-Shabaab ee kasoo gudubtay Wabiga shabeelle isla markaana isu aruursanayeen iney Weerar soo qaadaan.

Deegaanka Beerxaano ayaa wuxuu Dhinac Koofureed uu ka xigaa Xarnta Gobolka Hiiraan ee Beled Weyne.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).