Ciidamo Ay Diyaarisay Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Cadceeda (Axad), 29-01-2023

 

CADAADO (WBW: The GBM) – Wararka ka imanayaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxey sheegayaan in Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdullaahi Axmed Calasoow (Shiine), in Maanta uu Ciidamo gaaraya 200 Askari uu Tababar ugu soo xiryay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-Guduud.

Ciidanka lasoo tababaray oo ah Dufcaddii 1aad, Qeybteedii 2aad, ayaa waxey kamid noqonayaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxeyna sugi doonaan Amniga Degaanada laga saaro Argagiisada Al-Shabaab

Ugu dambeynti, Xiritaanka Tababarka Ciidan ee Maanta, ayaa waxaa ka-qeybgalay Taliyaha Tababarrada iyo Qorsheynta Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Tababarrada Ciidanka Boliiska ee Magaalada Cadaado, Guddoomiye Ku-xigeenka Magaalada Cadaado, iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Amniga.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).