UPDATE 1) Ciidamada Qaranka Soomaaliya Iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ee Soomaaliya Ayaa U Dhaqaaqay Degaanka Ceelbuur Iyo Degmada Xarardheere

 

Diimiley (Sabti), 14-01-2023

 

WISIL (WBW: The GBM) – Degmada Wisil oo katirsan Gobolka Mudug ayaa laga soo warinayaa in ay ka bilowdeen Abaabulo Dagaal oo ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab.

Warka wuxuu ku darayaa in Ujeedada ka dambeyso Abaabulada Dagaal ee ka bilowday Degmada Wisil, in ay tahay sidii Argagixisada Al-Shabaab looga saari lahaa Degaanka Ceelbuur iyo Degmada Xarardheere.

Shalay ay aheyd markii ay Dadka Degmada Wisil ee Gobolka Mudug ay dhigayeen Banaanbaxa Ka Dhanka ahaa Argagixisada Al-Shabaab, ayna Degmada Wisil ay kusoo dhaweynayeen Saraakiil iyo Ciidan kusoo biiran Howlgalada, kuwaa oo ka yimid Degaanka Bacaad Weyn ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeynti, Banaanbixii Shalay ka dhacay Degmada Wisil ee lagu taageerayay Howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab, ayaa waxaa ka-qeybgalay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).