(UPDATE 1) Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Iyo Ergo Uu Hugaaminayay Ayaa Gaaray Gobolkii Jubada Sare

 

Hobala (Isniin), 09-01-2023

 

BAYDHABO ( WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Gobolkii Jubada Sare (Bay, Bakool iyo Gedo) asiise hada ah Xarunta Gobolka Bay, ayaa laga soo sheegayaa in Galabta ay gaareen Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Ergo uu hogaaminayay.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ergadii uu horkacayayba, ayaa waxaa Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Xubno katirsan Golaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Degaankaasi.

Ujeedada Socdaalka ee Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Shiikh Aadan Maboobe iyo Ergada uu hogaaminayo ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto Ka-qeybgalka Shirka Dib-uheshiisinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya maadaama ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Degaanka ay diidan yihiin Muddo Kororsiga halka Sano ah ee uu sameystay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).