Waxaa Maanta Qabsoomay Bannaanbaxii Looga Soo Horjeeday Argagixisada Al-Shabaab

 

Fabeeley (Khamiis), 12-01-2023

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wararka ka imanayaa Magaalo Madaxda amhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxey sheegayaan in Maanta uu qabsoomay Bannaanbaxii ay Shalay ku baaqeysay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Banaanbaxa uu ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ee Magaalada Muqdisho.

Dadka kasoo qeybgalay Banaanbixii Maanta ee ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow ee Magaalada Muqdisho ayaa Tiradooda gaareysay Kumanaan, waxaana la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalintii Shalay ee Dabra-da (Arbaca-da) ay aheyd markii la baahinayay in Bannaanbax uu Maanta oo Fabeeley ah (Khamiis ah) uu ka dhacayo Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow ee Magaalada Muqdisho isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud uu Banaanbaxa kaga dhawaaqi doono Kacdoonka Dadweynaha Magaalada Muqdisho ee lagula dagaalamayo Argagixisada Al-Shabaab.

Ugu dambeynti, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu si qiiri leh uu ula hadlay Ka-qeybgalayaasha Banaanbixii Maanta ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna faray in lasoo nabdaado.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).