Waxaa La Burburiyay Labo Gaari Oo Ay Argagixisada Al-Shabaab Ku Diyaarinayeen Qaraxyo

 

Fabeeley (Khamiis), 12-01-2023

 

BALCAD (WBW: The GBM) – Degmada Balcad oo Hada Katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe asiise markeedi hore katirsaneed Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Mudisho iyo Shabeellaha Dhexe kahor intii uusana Gobolkii Banaadir uusan kala jar-jarin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre; kadibna uu Madaxweynaha Iminka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu Gobolkii Banaadir uu isna kusii kala daryay Waxa Hada Loogu Magacdaray ‘Hir+Shabeelle’ iyo ‘Koofur+Galbeed’ Sanadihii 2014tii iyo 2016dii; ayaa laga soo warinayaa in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maryooleyda (Macaawisleyda) ay burburiyeen Labo Gaari oo la sheegay in Argagixisada Al-Shabaab ay Qaraxyo kasoo buuxiyeen.

Dhawaan ay ahayd markii ay Argagixisada Al-Shabaab ay Weerarka Culus kusoo qaadayeen Saldhiga Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay ku lahaayeen Deegaanka Hilowle Gaab ee hoostaga Degmada Ruun Nirgood ee Gobolkii Banaadir, isla markaana ay halkaasi ku dilayeen Askar iyo Saraakiil dhowr eh.

Waxaa xigtay in Argagixisada Al-Shabaab ay Maalmo kadib soo bandhigaan Gaadiid Dagaal iyo Hub ay ku furteen Saldhiggii ay weerareen.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).