Somaliland Waxay Maraykanka, Midowga Afrika Iyo Beesha Caalamka U Caddeysay Mawqifkeeda Khilaafka Laascaanood Iyo Doorashooyinka

 

Cadceeda (Axad), 2da Abril, 2023

 

HARGEYSA – Xukuumadda Somaliland ayaa ka dalbatay Maraykanka, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan sidii ay u soo celin lahayd Ammaanka Magaalada Laascaanood, isla markaana taageeraan Madaxnabaanida Somaliland si Xal Waara loo helo.

Qoraal Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka soo baxay ayaa si faahfaahsan loogu xusay Dedaalada Xukuumadu ka geysatay Soo Afjarida Colaada ka taagan Laascaanood iyo Go’aan La’aanta Odeyaasha Laascaanood sidii Wada-hadal loogu dhamayn lahaa Khilaafka, waxaana lagu yidhi:

Si kastaba ha ahaatee, Dadkii kiciyay Khilaafkan Ayaa Diiday Dhammaan Dadaalladaas. Taas Beddelkeeda, waxay sii wadeen Hurinta, Qalalaasaha iyo War-xumada, Si Ay U Sii Khalkhaliyaan Xasiloonida Mandaqada, Ugana Soo Horjeestaan Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Labadii Bilood ee u dambeeyay, Ciidamada Somaliland waxa lagu soo qaadayey Weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin, iyaga oo ku dadaalayay sidii ay u xakamayn lahaayeen Xasillooni-darrada ugana hortagaan waxyeellada loo geysto Dadka Rayidka ah.

Sida Dawladaha kaleba, Jamhuuriyadda Somaliland Waxay Xaq U Leedahay Inay Difaacdo Madax-banaanideeda Dhuleed, Ciidamaduna Ugu Heegan Yihiin Si Is-xakameyn Iyo Karti-xirfadeed Ku Dheehan Tahay.

Iyadoo ay Xaaladdan adagi jirto, haddana weli wax Jawaab ah lagama bixin Codsiyadii Dawladda Somaliland ee ku aaddanaa, in Maraykanku ku qanciso Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya inay joojiyaan Dagaalyahannada iyo Hubka ka soo qulqulaya Dhulkooda ee Laascaanood, ama in Odayaasha Deegaanka loo ogolaado inay wadahadlaan. Taasi waxay keentay in Maleeshiyaad Hubaysan ay si ciqaab la’aan ah uga hawlgalaan Magaalada Laascaanood, kuwaas oo baqdin geliyey Hoggaamiyeyaasha Deegaanka ee doonaya inay Wada-hadallo Siyaasadeed la yeeshaan Dawladda.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Mar Labaad u soo jeedinaysaa Dawladda Maraykanka, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka inay si wada jir ah ugala shaqeeyaan Dadkeenna soo celinta Amniga Magaalada Laascaanood, isla markaana ay taageeraan sidii Xal waara loogu heli lahaa oo ay ku jirto in la aqoonsado Qarannimada Somaliland.

Xukuumada ayaa sheegtay inay diyaar u tahay Doorashooyin Dalka ka dhaca, isla markaana tahay Waajib saran Komiishanka Doorshooyinka,

“Waxa naga go’an in aan hirgelinno Doorashooyin Dimuqraadi ah, oo ah Xuquuq ay Dawladdu ilaalisay iyo Hannaan tusaale u ah Deegaanka.”

Sida sharcigu dhigayo, komishanka doorashooyinka qaranka waxa loo igmaday inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalkeena. Haddaba, komishanka doorashooyinka qaranka ayay masuuliyadi ka saaran tahay inay soo diyaariyaan qorshaha doorashooyinka.

Xigasho: Wargeyska Dawan | Ladaabacay: 1da Abril, 2023

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).