Somaliland oo ka jawaabtay diidmada Soomaaliya ka muujisay shidaalka laga qodayo Somaliland

Xukuumada Somaliland, oo ka jawaabaysa diidmo ay xukuumada Soomaaliya ka muujisay shidaal shirkada Genel Energy ka qodayso Somaliland, ayaa sheegtay in ay iyadu masuul ka tahay maamulka khayraad keeda

War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa lagu xusay in shacabka Somaliland ay xukuumadooda u igmadeen ilaalinta iyo maamulka khayraadka.

“Dadka reer Somaliland nidaam dimuquraadi ah ayay dowladooda ugu dhiibteen masuuliyada horumarinta iyo ilaalinta khayraad kooda dabiiciga ah. Waa masuuliyada dowlada Jamhuuriyada Somaliland in ay ilaaliso khayraadka dabiiciga ah ee waddanka”.

Waxa war-saxaafadeeda lagu sheegay in u jeedadada shidaalka loo qodayaa ay tahay in kor loo qaado xaalada nololeed ee shacabka Somaliland, dhaqaalahana la kobciyo, isla markaana ay xukuumadu sharci u haysato in ay la heshiiso maalgashadayaal shisheeye.

“Ujeedada yadu waxa weeyi in aanu kor u qaadno xaaladaha nololeed ee muwaadiniintayada, iyo koboca dhaqaale ee qarankayaga, dowladu sharci ayay u haysataa, in ay la xidhato maalgashadayaal shisheeye si loo baadho oo looga faa’iidaysto macdanta”.

War-saxaafadeeda waxa lagu sheegay in aanay jirin cid aan xukuumada Somaliland ahayn, oo awood u leh in ay baadho ama cid kale sharciyad u siiso baadhista iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka.

Waxa kale, oo lagu sheegay in ay Somaliland sii wadayso wada-shaqaynta  ay la leedahay shirkadaha shidaalka sida Genel Energy, oo xukuumada Soomaaliya ka dacwootay, war-saxaafadeeda ayaa xustay in wada-shaqaynta shirkadahan ayna Somaliland cidna ugu habranayn.