Mareykanka Ayaa Qalab Ciidan (Military) Ugu Deeqay Soomaaliya, Ammaanay-na Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab

 

Cadeeda (Axad), 08/01/2023

 


Odowaa iyo Andre | Sawir: US Embassy (Twitter)

 

MUQDISHO – Dowladda Mareykanka ayaa Lacag dhan 9 Milyan oo Dollar oo isugu jirta Hub, Gaadiid, Agab Caafimaad iyo Qalab kale ugu deeqday Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya; Munaasabad Maanta oo Axad ah ka dhacday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Munaasabaddan waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Safiirka Mareykanka Larry Andre.

Sahaydan ayaa waxaa kamid ah Hubka Culus, Baabuurta Gaashaaman, kuwa Dhismaha, Qalabka lagu baaro Walxaha Qaraxa, Agabka Dayactirka Gaadiidka Ciidamada iyo Hubka, waxaana Qalabka diyaar u yahay in la gaarsiiyo Guutada Danab ee Ciidamada Xoggaa Dalka ee ka howlgalaya Hirshabeelle iyo Galmudug, sida lagu shegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

“Waxaan ku faraxsannahay Guusha ay Ciidamada Soomaaliya ka gaareen Dagaalka Taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan Bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay dhibaateysan Al-shabaab,” ayuu yiri Danjire Andre. “Waa Dagaal ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali dagaallameyso. Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno Dadaalkan” ayuu raaciyay Danjire Andre.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahadceliyey Dowladda Mareykanka, isagoo yiri “Aan gaarsiiyo Dowladda Mareykanka Mahad-celinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taageerada Joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Geeddi-socodka Nabad-dhisidda Soomaaliya iyo Taagerada la-dagaallanka Argigixisada. Taageradan waxay kusoo beegantay Xilli Xaasaasi u ah Ciidamadeenna, inagoo xoojinayna Awoodooda Dagaalka Al-shabaab.

Munaasaddan ayaa waxaa Wasiirka Gaashaandhigga ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

Sida ay sheegtay Safaaradda Mareykanku, Iibka Hubka oo ay ku jiraan Qoryaha Fudud iyo Kuwa Culus ayaa waxaa maalgelisay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.

Hubka oo ay ku jiraan Qoryaha Fud-fudud iyo Kuwa Culculus ayaa waxaa lagu soo iibiyay Dhaqaale ay bixisay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka. Waxaa lagu calaamadeeyay oo lagu diiwaan geliyay iyadoo la raacayo Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, oo ah mid loogu talagalay in lagu xisaabiyo laguna xakameeyo Hubka Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo Hubka lagu qabto Furimaha Dagaalka.

Xigasho: VOA Somali