Hoobiyeyaal Lagu Soo Gamay Xarunta Gobolka Hiiraan

 

Dabra (Arbaco), 25-01-2023

 

BELED WEYNE – (WBW: The GBM) – Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beled Weyne aa waxaa laga soo sheegayaa in Cawada Fiidki lagu soo gamay Afar Hoobiye, iidoone Dhawaaqa Hoobiyeyaasha laga maqlay Qeybo badan oo katirsan Magaalada Beled Weyne.

Warka waxow ku darayaa in Seddex Hoobiye ay kusoo dhaceen Xaafada Xaawo Taako, gaar ahaane Qeybta Nuur Xaad ee Magaalada Beled Weyne

Warka waxow kusii darayaa in Hoobiyaha Afaraad uu usigane kusoo dhacay Xaafada Buundada Weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beled Weyne.

Tan iyo hadaan lama ogo Qasaarihii ka dhashay Hoobiyeyaashii Cawada Fiidki kusoo dhaceen Magaalada Beled Weyne, waxaase lawada-ogyhahay in Falalkaan oo kale lagu yaqaano Argagixisada Al-Shabaab.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).