Dowladda Soomaaliya Waxey Soo Dhaweysay Dilkii Hoggaamiyaha Daacish Bilaal al-Sudani

 

Dusa (Jimca), 27-01-2023

 


Xuseyn Sheekh Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya | Sawirre: Twitter

 

WASHINGTON – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, kadib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaad ee ku yaalla mamaul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Xubnaha Hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinteen Toban kale, inkastoo Maraykanku uu doonayey inuu qabto, balse ay Maleeshiyaadka la joogay Falcelis sameeyeen.

Halwgalkan ayaa Maraykanku sheegay inaanay waxba ku noqonin Ciidamada Maraykanka. Maraykanku waxay sheegeen inay Fulinta Howlgalkan ku wargeliyeen Dowladda Soomaaliya.

Haddaba jawaabta Dowladda Soomaaliya ayaa Haaruun Macruuf ka waraystay Xuseyn Sheekh Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya oo uu kula kulmay Magaalada Madan Washington DC.

HALKAN KA DHAGEYSO Dowladda Federalka .mp3

Isha: VOA Somali