Dil Caawa Ka Dhacay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Diimiley (Sabti), 28-01-2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Degmada Wardhiigley oo katirsan Degmooyinka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ee Gobolka Banaadir, ayaa laga soo sheegayaa in Caawa uu Dil ka dhacay, waxaana Dilka geystay Kooxo Bistoolado ku hubeysnaa oo bartilmaameedsaday Farxiya Cabdi Waasuge oo aheyd Wasiirad Dowlihii Wasaaradda Gaaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Dilka Marxuumad Farxiya Cabdi Waasuge ayaa wuxuu kusoo beegmayaa, Xilli ay Howlgallo lagu ciribtiriyo Argagixisada Al-Shabaab ay ka socdaan Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).