Arrimihii Looga Hadlay Kulankii Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Diimiley (Sabdi), 21-01-2023

 

MUQDISHO – Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa wuxuu Maanta shir-gudoomiyay Kalfadhiga 2aad, Kulankiisa 12aad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo Ajandihiisa ahaa;

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya.
2) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenabeene) ayaa Golaha kahor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa ayaa isna Golaha kahor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) in Guddiyada Arrimaha Gudaha & Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Baarlamaanka u ku wareejiyo Labada Hindise Sharciyeed. Intaas kadib, Gudoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray Kulankii Maanta.

Isha: Radio Risaala