Wasiirka Warfaafinta Ee Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Laascaanood Kulan Kula Yeeshay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshadda

 

Diimiley (Sabti), 21/01/2023

 

LAASCAANOOD – Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa Magaaladda Laascaanood kulan la qaatay qaar kamid ah Cuqaasha, Waxgaradka, Odayaasha, Dhalinyaradda, Hal-doorka iyo Aqoonyahanka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka waxaa Kulankaasi ku wehelinayay Xubno kamid ah Xildhibaanadda Goleyaasha Guurtidda, iyo Wakiiladda Somaliland ee laga soo doorto Gobolka Sool, iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Xukuumadda Somaliland.

Waxaana Kulankaasi lagaga hadlay sidii looga shaqayn lahaa Adkaynta Amaanka iyo Xasiloonidda guud ahaanba Gobolka Sool, gaar ahaana Magaaladda Laascaanood. Meel na looga soo wada jeedsan lahaa Horumarka iyo Deganaanshiyaha Magaaladda.

Geesta kale na Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, waxaa uu isla Shalay socod lug ah ku soo maray Wadooyinka Gudaha Magaaladda Laascaanood.

Waxaanu soo maray qaar kamid ah Meelaha ay Bulshadu ku kulanto, sida Makhaayadaha Shaaha, halkaasoo uu Wakhti kula qaatay aybaha kala duwan ee Bulshadii ku sugnaa.

Wasiir Koore, oo la sheekaystay Bulshadii uu la kulmay ayaa ku adkeeyay in meel looga soo wada jeesto Ilaalinta Amaanka iyo Deganaanshiyaha Gobolka Sool, isla markaana laga wada shaqeeyo guud ahaanba Gobolka Sool, gaar ahaana Magaaladda Laascaanood.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta JSL ayaa kamid ah Weftiga ka socda Xukuumadda Somaliland ee Hawlaha Shaqo u jooga sidii Xukuumadda iyo Bulshadu ay uga wada shaqayn lahaayeen Xasiloonida iyo Ilaalinta Amaanka Gobolka Sool, isla markaana Cid kastoo waxyeelaysa Deganaanshiyaha iyo Horumarka Magaaladda na meel looga soo wada jeedsan lahaa.

Isha: Wargeyska Dawan | Qore Khaddar Cabdi Muuse