Wada-hadalo Ay Yeesheen Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya Iyo Guddiga Madaxa-bannaan Ee Dib-u-eegista Hirgelinta Dastuurka

 

Cadceeda (Axad), 2da Abriilo, 2023

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa wuxuu la kulmay Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Kumeel Gaargka (KMG), wuxuuna tilmaamay Muhiimadda uu Dalka u leeyahay Dhameystirka Dastuurka.

Dastuurka Kumeel Gaargka ah ee Dalka Soomaaliya oo Muddo Dheer Qabyo Ah, ayaa Xukuumadda Dan-Qaran mudnaan gaar ah u leh Dhameystirkiisu, si uu Dalku u yeesho Dastuur Sax oo Heshiis lagu wada yahay.

Wasiir Koowaad Xamse ayaa tilmaamay in Fadhiyada ugu horreeya ee Golaha Baarlamaanka, Qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay Qabyo-tirka Dastuurka.

Wasiir Koowaadka oo is dul-taagay Qodobo Muhiim Ah oo ku jira Dastuurka KMG, kuwaas oo u baahan Wada-xaajood Siyaasadeed, ayaa wuxuu Xubnaha Guddiga kula dardaarmay in ay dardargeliyaan Howlaha horyaalla.

Mudane Xamse ayaa sheegay in 5 Kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah Qodobadii ugu muhiimsan ee Dastuurku uu tilmaamayey, sida Asteynta Awooddaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha Hoose, Federaaleynta Garsoorka, Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Federaaleynta Maaliyadda.

Ugu dambeynti, Wasiir Koowaad Xamse ayaa Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howlgalaan Masuuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen Habraacyadii Muhiimka u ahaa Shaqada Guddiga.

Xigasho: Radio Risaala