Howlgalka ATMIS Ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Uga Hambalyeeyay Guulihii Ay Kasoo Hoyiyeen Dagaaladii Gobolada Galgaduud Iyo Mudug

 

Dabra (Arbaco), 18-01-2023

MUQDISHO – War kasoo baxay Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia), ayaa waxaa lagu sheegay in Ergayga Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef in uu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya uu uga hambalyeynayo Xoreynta Magaalooyinka Ceeldheer, Xaradheere, Galcad iyo Xiindeere ee Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Howlgalka ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo Taageerada loo baahan yahay, si loo gaaro Soomaaliya oo Ka-caaggan Argagixisanimada iyo Falalka la xiriira,” ayuu yiri Danjire Souef.

“Al-Shabaab waa ay jabeen, waxaana anaga oo garabsaneyna Walaalaheena Soomaaliya sii wadi doonaa in aan Argagixisada Khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya, si ay Dadka u helaan Amni, Xasillooni iyo Nabad, kuwaas oo muhiim u ah Horumarka Bulsho iyo Kan Dhaqaaleba,” ayuu yiri Danjire Souef, sida lagu sheeegay Warsaxafadeed kasoo baxay ATMIS.

Xigasho: Somali Weyn Org