“Gobol Cayn La Yidhaahdo Oo Somaliland Katirsani Ma Jiro” Cuqaasha Degmadda Qori-lugud

 

Dabra (Arbaco), 25/01/2023

 

QORI-LUGUD – Cuqaasha , Waxgaradka iyo Hal-doorak Degmada Qori-lugud ayaa Bulshada u sheegay inaanu jirin Gobol Cayn la yidhaahdo oo Somaliland katirsan. Degmada aanu ka tirsan nahay waa Gobolka Togdheer

Shir Jaraa’id oo Cuqaashu ku qabteen Degmada 23/01/2023 ayaa baaq nabadeed u soo jeediyey Garaadada iyo Bulshada Degmada Buuhoodle, kuna baaqeen in la joojiyo Dhibaatooyinka lagu kicinayo Bulshada Buuhoodle.

Qaar kamid ah Cuqaasha Galbeedka Degmada Buuhoodle ee Shirka Jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Baaq Nabadgelyo dirayaan, isla markaana Garaadada iyo Cuqaasha Degmada Buuhoodle ugu baaqayaan inay Nabadgelyo wax ku doonaan, waxaanu yidhi,

“Waxaan maqalaa Gobolada Sool, Sanaag & Cayn, waxaanu Bulshada u sheegaynaa in Gobol Cayn la yidhaahdo oo Somaliland katirsan inaanu jirin. Degmada aanu katirsan nahay waa Gobolka Togdheer.

Waxay sheegeen in Degmada Buuhoodle oo Dad badan wada degaan ay ka mid yihiin Bulshada Galbeedka degan.

Cuqaasha oo Hadalkooda sii wata ayaa sheegay in Gobolka Sool oo Afar Degmo katirsan, Taleex, Caynaba, Xudun iyo Laascaanood, yahay Gobol la wada degan yahay, isla markaana ahayn mid Cid gaar ah leedahay.

“Dhulku Nabada ayuu innagu le’eg yahay, Buuhoodle iyo Sool Nabad ayaa lagu wada joogi karaa, waa la wada degaa, kala maarmi mayno, yaan Ukraine laga dhigin,” ayuu yidhi Caaqil kale oo ka hadlay Madasha.

Waxay Baaq u direen Garaadka Buuhoodle inuu Nabada ku soo noqdo, maadama ay sheegeen inay Qeyb ka ahaayeen Bulshadii dooratay “Suurtagal maaha Madax Dhaqameed inuu Dagaal iyo Colaad ku baaqo.”

Isha: Wargeyska Dawan

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).