Faah-faahin Uu Maayirka Magaalada Laascaanood Ee Jamhuuriyadda Somaliland, Uu Ka Bixiyay Xaaladda Magaalada

 

Diimiley (Sabti), 7 Janaayo, 2023

 

LAASCAANOOD – Waxaa lagu soo waramayaa in Maayirka Magaalada Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil uu Faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay Xaaladdihii u dambeeyay ee Nabadgelyo ee Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Maayir Cabdiraxiin Cali Ismaaciil wuxuu sheegay in Haatan ay Xaalada Nabadgelyo ay deggan tahay.

Waxaa kale uu sheegay in Xilligan Xaaladda Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland ay dagantahay, isla-markaana Maamulka iyo Qaybo Shacabka kamid ah ay ka shaqaynayaan Adkaynta Nabadgelyada.

Maayir Cabdiraxiin ayaa sheegay in kadib isku dhacii, Ciidamada Magaalada laga saaray, si looga fogaado Khasaare dhaca, isla markaana Xaaladda Magaalada loo dajiyo.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Saaka markii Ciidamadu baxeen kadib ay Qaybo kamid ah Shacabku Qalalaase ka sameeyeen Magaalada lakiin laysla qaatay in aan Ciidanka lagu soo celin Magaalada, si aan Khasaaruhu u sii badan, isagoo sidoo kale sheegay in Cuqaasha Gobolku isla qaateen in Magaalada Xasilooni lagu soo dabaalo.

Duqa Magaalada Laascaanood, ayaa Shacabka Magaalada ku bogaadiyaya sida Xilkasnimada leh ee ay uga shaqeeyeen Amniga Magaalada ee aanay u samayn rabashadaha, isagoona ugu baaqay inay ilaashadaan Nabadgelyada.

Waxaa kale oo uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Cuqaasha Gobolka Sool ku boggaadiyay sida ay uga shaqeeyeen Amniga Guud ee Magaalada.

Xigasho: Wargeyska Dawan