Dagaal Markale Dhexmaray Soomaalida Iyo Canfarta

 

Dusa (Jimca), 7da Abril (Abriilo), 2023

 

JIGJIGA (WBW: The GBM) – Warar laga helay Degaanka Soomaalida ee hoostaga Dalka Itoobiya, ayaa waxey sheegayaan in Dagaal aad u Xoogan uu dhexmaray Dadka Soomaalida ee dego Degaanka Soomaalida ee hoostaga Dalka Itoobiya iyo Dadka Canfarta ee katirsan Dadka Itoobiya.

Dagaalka ayaa wuxuu ka bilowday Weerar ay Maleeshiyaad Canfar ah ay kusoo qaadeen Soomaalida degto Galbeedka Gobolka Siti ee Dowlad Degaanka Soomaalida ee hoostago Dalka Itoobiya, wuxuuna geystay Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Ugu dambeynti, Soomaalida degto Degaanka Soomaalida ee hoostaga Dalka Itoobiya, ayaa waxey sheegeen in Maleeshiyaadkii Canfarta ahaa ee Weerarka kusoo qaaday ay Gaashaanka u dhigeen isla markaana ay jabiyeen Maleeshiyaadkii Canfarta ee Weerarka kusoo qaaday.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).