Al-Shabaab Oo Weeraray Degmada Galcad Iyo Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Halkaasi

 

Dusa (Jimca), 23-01-2023

 


Shabaab | Sawirre: AP

 

GALCAD – Ilaa 25 katirsan Askarta Dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro Taliye Ku-xigeen, ayaa la sheegay inay ku dhinteen Weerar Culus oo Saakay Waabarigii ay Kooxda Al-Shabaab ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Degmada Galcad oo kamid ah Degmooyinkii ay Ciidamada Dowladda Toddobaadkan ka qabsadeen Kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaalia ayaa iyadu sheegtay in Dagaalka looga dilay 7 Askari oo uu ku jiro, Taliye Ku-xigeenka Guutada Danab Xasan Maxamed Cusmaan oo lo yaqaan Xasan Tuure. Guutada Danab waxaa tababara Dowladda Maraykanka.

Saraakiil Magacooda qariyay ayaa VOA u xaqiijiyay in Dagaalka Saakay ay Dowladda Dhinaceeda uga dhinteen illaa 25 Askari oo uu ku jiro Taliye Ku-xigeenka.

Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Somaaliya ayaa sheegtay in Weerarka la iska caabiyey, islamarkaana lagu jebiyey Maleeshiyada Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 100 Maleeshiyo oo katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iyaduna Dhinaceeda sheegatay in Dagaalka ay ku dileen 159 katirsan Askarta Dowladda, iyadoo sheegashada Labada Dhinac aan si madax banana aan loo xaqiijin karin.

Isha: VOA Somali