Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ayaa La Kulmay Ergo Katimid Jamhuuriyadda Somaliland

 

Diimiley (Sabti), 8da Abril (Abriilo), 2023

 

JABUUTI (WBW: The GBM) – Wararka ka imanaya Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxey sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti ee Magaalada Jaabuuti, uu kula kulmay Ergo uu hogaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ah Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Siciid Mire Faarax Giire.

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Siciid Mire Faarax Giire, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdifataax Siciid Axmed.

Arrimaha ay uga wada-hadleen Kulankooda ayaa waxaa kamid ahaa Xiriirka ka dhexeeya Labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Jabuuti.

Waxaa kale uu Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Siciid Mire Faarax Giire uu booqday Xarunta Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Jabuuti ee Magaalada Jabuuti, isagoo halkaasi ay ku wad a-hadleen Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ugu dambeynti, Ergadi uu hogaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Siciid Mire Faarax Giire, ayaa waxey booqatay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Dalka Jabuuti; kadibna la kulantay Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).