Dowladda Soomaaliya Waxey Sheegtay in Argagixisada Al-Shabaab Laga Dilay 303

 

Dabra (Arbaco), 25, 2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Hawlgalo Maalmihii la soo dhaafay ka socday Deegaano katirsan Maamul Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay 303 katirsan Argagixisada Al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya, Daauud Aweys Jaamac oo Garabkiisane uu taagnaa Wakiilka Midowga Afrika ee Dalka Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), Danjire Moxamed El-Amine Souef.

Isku soo wadaduuboo, Wasiir Daauud Aweys Jaamac wuxuu sheegay in Tirada Argagixisada Al-Shabaab ee la dilay 7dii Maalmood ee la soo dhaafay oo 303 ah, in lagu dilay Howlgallo ay Ciidamada Qaranka ay ka sameeyeen Deegaano katirsan Maamul Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).