Dowladda Soomaaliya Baa Si Xooggan U Cambaareysay Dalka Iswiden (Sweden)

 

Hobala (Isniin), 23-01-2023

 


Somalia Coat of Arms | Public Domain

 

MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya ayaa Dalka Iswiden (Sweden) ku cambaareysay inay Xagjiriin Dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay Nuqul kamid Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku gubaan Dibadbax ka dhacay Magaalada Istook-holm (Stockholm).

Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay Banaanka Safaaradda Turkiya (Turkey) ee Caasimadda Iswiden (Sweden), ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmu Baludan (Rasmus Paludan) oo u dhashay Dalka Denmaark (Denmark) balse sidoo kale haysta Dhalashada Iswiden (Sweden), kaasi oo ah Nin Islaamka iyo Soo-galootiga neceb.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in Mas’uuliyiinta Iswiden (Sweden), ay u ogolaadeen Nin Xagjir ah inuu Nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubo Safaaradda Turkiya (Turkey) ee Magaalada Istook-holm (Stockholm), Sabtidii (January 21), taasi oo ka dhigan Xadgudub Cad oo ka dhan ah Xurmada Diinta iyo Kicinta Dareenka Muslimiinta Caalamka oo dhan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraalkeeda ku sheegtay in Ogolaanshaha Ficilkan Naceybka ah uu Aflagaado ku yahay Xurmada iyo Qiyamka Islaamka, islamarkaana aan la aqbali karin.

“Waa kaliya Dhaqan Dareen Kicin oo Taageero lagu raadinayo, islamarkaana sare u qaadaya Nacaybka, una adeegaya Ajende Xagjirinimo iyo Argagixisanimo,” ayey tiri Wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegtay inay xaqiijineyso Mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan Muhiimadda ay leedahay Faafinta Qiyamka Wadahadalka, Dulqaadka iyo Wada Noolaanshaha iyo Diidmada Nacaybka iyo Rabshadaha.

“Waxay [Soomaaliya] dib u cusbooneysiineysaa Muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo Astaamaha Diinta, iyo in laga fogaado Hurinta Nacaybka iyo Hurinta Colaadaha iyadoo lagu xadgudbayo oo la qalloocinayo Diinta, Xurmada iyo Caadooyinka Islaamka” ayey tiri.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn sheegtay in Soomaaliya ay ugu baaqeyso Iswiden (Sweden) inay Tallaabooyin ka qaado Naceybka sare usii kacaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, ayna ugu baaqeyso Beesha Caalamka inay Mas’uuliyad iska saaraan Wax Ka Qabashada Islaam Naceybka.

Xigasho: VOA Somali