Dowladda Soomaaliya Ayaa Beenisay In Wadahadalo Lala Yeelanayo Argagixisada Al-Shabaab

 

Cadceeda (Aad), 8 Janaayo, 2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Mudane Xuseyn Macalin Maxamuud oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la soo warinayaa in uu beeniyay Wararkii sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay Wadahadal la yeelaneyso Argagixisada Al-Shabaab.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Xuseyn Macallin oo Wareysi Gaar ah siiyay Laanta Af Soomaaliga ee Warbaahinta VOA-da ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan Xilligan diyaar u aheyn inay Wadahal layeelato Argagixisada Al-Shabaab.

Mudane Xuseyn Macallin wuxuu intaasi sii raaciyay in Dowladda Soomaaliya aysan soo gaarin Codsi Rasmi ah oo ay Argagixisada Al-Shabaab ku dalbaneyso Wadahadal.

Warka kasoo yeeray Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Xuseyn Macallin Maxamuud, ayaa wuxuu ka dambeeyay War ay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ay kasoo xigatay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdifataax Qaasim Maxamuud, isaga oo dhahaya “Waxaa Dowladda Soomaaliya ay Codsi Wadahadal ah ka heshay Al-Shabaab”.

“Siyaasaddeena ku aaddan Wadahadal lala galo Al-Shabaab waxba isma baddelin, wax wada-xaajood ah kulama jirno Kooxda, haseyeeshee Shakhsiyaadka doonaya in ay ka baxaan Kooxda waxaa la marin doonnaa Nidaam Hufan si ay Xaq ugu yeeshaan Cafiska Rasmiga ah ee Dowladda,” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xuseyn Macallin Maxamuud.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).